bir
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-ro, m.l)
Macnaha:
- 1. Macdanta dhulka laga qodo nooc ka mid ah, adag oo waxyaabo laga sameeyo oo danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya. 2. B. isha: barta yar madow, oo wax lagu arko. 3. ld bir-ajuuraan.
- (kiim.) Curiye kasta oo kiimikaad oo ah adke widhwidha, danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya.
- Wax sida iftiin bilig dhihid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

