mood

Qaabnax: Magac Lab | Noun Masculine

Macnaha:

  1. 1. Maalka inta aan xoolaha nool ahayn. 2. Meyd.
  2. Qorraxdu marka ay soo baxayso fallaaraheeda caadka qabta ee midabka quruxda badan yeesha.
  3. Erey duco ah oo madaxda loo dabbaaldegayo lagu yiraahdo; raag!.
  4. 1. (f.g) Wax meel dhaafid. 2. (f.lg) Si gef ah wax, u qaadasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

meyd

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Qof naftii ka dhacday oo aan weli la xabaalin. 2. M. ah: qof karti yar oo aan wax qabsan karin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

raag

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Waqtiga uu shay soconayo, muddo. 2. Daah, habsaan.
  2. 1. Daahid. 2. Waqti badan jirid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur