qaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Qayb wax ka mid ah; in, wax, qayb. 2. Jirka nafleyda labadiisa qayb mid ka mid ah. 3. Dhanka dambe. 4. Ardaaga aqalka. 5. Xero yar oo xerada weyn dhexdeeda laga sameeyo oo xoolaha inta caano nuugga ah la geliyo; edeg.
  2. 1. ld qaare. Ul dhumuc weyn leh oo madaxa u buuran oo lagu dagaallamo; huur. 2. Cayaar shaxeed aan la baajin karin kataanteeda. ld
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

edeg

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-gyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Xero yar oo dhasha xoolaha irmaan lagu xereeyo. 2. Meel ciriiryoon.
  2. Maqal xoolaad xero yar gelin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

huur

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Kulayl hawo la'aani keentay.
  2. (fiis.) Xaaladda gibilka marka la eego uumi biyoodka ku jira hawada.
  3. Nafley kulayl dareemid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaare

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld qaar².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur