bar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshay, meeshood; nus. Tus. “Lacagta bar i sii”.
  2. 1. Goobaabin yar oo meesha ku taal midab ka duwan leh. 2. B. xoolaad: xoolo yar.
  3. (daaw.) Bar lagu dhasho oo meel xaddidan ee maqaarka ah ku taal.
  4. 1. Cid, cilmi iyo wax uusan aqoon aqoonsi. 2. Wax laba meelood oo isla 'eg u qaybin. 3. Is b.: caadaysasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

nus

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; bar. Tus. “N. kiilo bariis ah”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur