naas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-so, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ib

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-bo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dalool yar oo naasaha caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo. 3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo dhurduhu u maro surta.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gulgulo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Xubinta awrku ka doobbiyo; doobbo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur