qandho

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xummad. 2. Jirro. 3. Duumo.
  2. (daaw.) Kulka jirka oo ka saramara kulka caadiga ah ee jirka: haddii afka laga cabbiro waxa weeye: 98,6° F oo u dhiganta 37° C. Haddii futada laga cabbirana waxa weeye = 99° F oo dhiganta = 37° C.
  3. Cid jirro ku dhicid. ld qandhoo.

xummad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Kulaylka jirka oo sarakaca jirro awgeed.

jirro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun.
  2. Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho.

duumo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (daaw.) Cudur qandho qabow iyo kulayl isugu jirta leh oo dadku ka qaadaan kaneecada nooceeda dheddig.

qandhoo

Qaabnax: Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3

Isrogrogga: (-ooday, -ootay)

Macnaha:

  1. ld qandho².