jirro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun.
  2. Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

bugto

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Cudur.

Lamidka: Cudur

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

cudur

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. Caafimad-darro jirka noolaha ama qayb ka mid ah ku dhacda, oo uu keeno jeermi iwm.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xanuun

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartay darteed; kaar; dhuuri; halac; laxaw. 2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro.
  2. Kaar iwm dareemid; xanuun yeelasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

bukasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg buko. ld bukood.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xanuunsasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg xanuunso. ld xa-nuunsad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur