qulqul

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (fiis.) Summad I. Dhakhsaha uu saldanab ku dhexmaro gudbiye danab. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee qulqulka danab waa ambiyeer (A).
  2. Shubmid ama socod aan kala go'lahayn ee uu hooruhu sameeyo. ld qulqulid.
  3. 1. Hoore si aan kala go'lahayn u shubmid ama u socosho. 2. Dad, xoolo iwm si aan kala go'lahayn u socosho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

c

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qulqulid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg qulqul³.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur