sabaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Waqti; waa; jeer. ld samaan¹.

waqti

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Waa; goor; jeer; shin; ammin. 2. Xilli; nur. ld wakhti.
  2. (fiis.) Summad t. Xaddiga sahla in aynu kala saarno laba dhacdo oo isku mid ah, kana dhacay isku meel. Gaalis u dhexeeya labadaa dhacdo ayaa ah aasaaska cabbirka waqtiga.

waa

Qaabnax: Qurub | Diirad, Particle | Focus

Macnaha:

  1. Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.
  2. 1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.
  3. 1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli; waqti; jeer; goor.
  4. (jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.

jeer

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Goor; Waqti; Ammin. 2. J.ma: goorma?.
  2. (c.nafl.) Naasley beri biyood ah, xoog leh, af ballaaran, aan dhogor lahayn, lugo gaagaaban oo ku nool webiyada Afrika.

samaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld sabaan.
  2. eeg san². ld samaansho, sami, samo¹.