(fiis.) Summad t. Xaddiga sahla in aynu kala saarno laba dhacdo oo isku mid ah, kana dhacay isku meel. Gaalis u dhexeeya labadaa dhacdo ayaa ah aasaaska cabbirka waqtiga.
1. Marka ilmuhu uurka galaan iyo marka ay dhashaan inta u dhexeysa. 2. Culaabta gaadiid hal mar qaadi karo.
(c.nafl.) Muddada ay qof dumar ahi ilmo uurka ku qaaddo, sidku wuxuu socdaa qiyaasta 266 maalmood, laga bilaabo calool galka ilaa ilmuhu dhashaan, ilmaha uurka ku jirana wuxu ku koraa uurka. Inta sidku socdo caadadu way maqantahay, waxaa dhici kara in ay aad u badato cuno cunnidu ama la jeclaado cunitaanka, naasuhu way weynaadaan, qofka dumarka ah waywallaci kartaa.
1. (f.g) Cid ama wax qaadid ama kor u hayn. 2. (f.mg) Neef dheddig wax riman ahaansho.