shinni

Qaabnax: Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective

Macnaha:

  1. 1. Xasharaad afar baal iyo oogo xaadi ku taagtaagantahay leh oo malabka samaysa. 2. Abuur; firi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

abuur

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (m.l.u) Miro loogu tala galay in wax lagu beero. 2. ld abuurid.
  2. Dabeecad ama muuqaal loo dhashay; baxaalli. ld abuuris.
  3. 1. Wax aan hore u jirin uumis. 2. Wax beerid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

firi

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Abuur, iniin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur