dhaab

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Qori, bir iwm oo dhul xoog ugu mudan si uu u xajiyo dhismo iwm. 2. Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato; kabar.
  2. Qof, bir, iwm dhulka xoog ugu mudid si uu u xajiyo dhismo iwm.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kabar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Janfar, jeefaar; dhalfo. 2. Qalab qori ama bir ka sameysan lehna albaab iyo khaanado, dharka iwm lagu rito; armaajo.
  2. Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur