silac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhib; rafaad; saxariir. ld silic.
  2. Cid rafaad iyo dhibaato badan la kulmid.

dhib

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Arrin ama hawl adag; hawl aan qabashadeedu fududayn; wax lagu daalo; shiddo. 2. (fk) Si rafaad ah; si qaxar ah. ld dhibaato.
  2. 1. Daawo xoolaha shilinta iyo candhada looga daweeyo. 2. (-bab, m.l) Hog dhisan, dawo laga buuxiya oo xoolaha looga kunbiyo candhada, shilinta iwm.
  3. Nafley raaxo la'aan badid.

rafaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhib badan oo nafleydu kala kulanto nolosheeda.
  2. Nafley, dhib badan la kulmid.

saxariir

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dhibaato aad u badan; silic; rafaad.
  2. Dhibaato weyn la kulmid.

silic

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld silac¹.