soon

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Tiiraarka islaamka kooda afaraad oo muslinka faraya in bisha ramadaan soddonkeeda wax la cuno iyo wax la cabbo laga fogaado maalintii. 2. Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad ee u dhexeysa soondheere iyo soonfur, lana soomo; soonqaad. 3. Qadoodi.
  2. Soon gudasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

soonqaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad oo u dhexeysa soondheere iyo soonfur lana soomo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qadoodi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Cunto la'aan in muddo ah lagu jiro.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur