suuli

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Dhisme yar oo ay gudihiisa ku yaaliin godad lagu saxaroodo laguna kaadsho; musqul.
  2. S. ah: dhar cudbi ah oo midabyo leh oo dumarku qaato.
  3. Wax baabi'in.

musqul

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-lo, m.dh)

Macnaha:

  1. Dhismo yar oo gudihiisa uu ku yaal god lagu saxaroodo laguna kaadiyo; suuli. ld muqsul.