tol

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dad xiriir wada dhalasho amo sheegasho ka dhexeeyo. 2. Qaran.
  2. 1. Laba wax oo kala go'an ama kala dillaacsan wax is kula qabasho. 2. Hal ilmo diiddey qallacid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaran

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ammo/-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Dad ay ka dhexeyso qawaaniin iyo maamul siyaasadeed oo leh seere ama xad adduunyadu aqoonsan tahay iyo calan u gaar ah. 2. Usha balka galleyda ama meseggada.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur