go'

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-'yaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.
  2. 1. Wax meel ka jarmid. 2. Dhimasho. 3. Wax wada jiray qaar, goonni uga soocmid. 4. U g.: niyadda wada siin. 5. Biyo iwm meel ka dhammmaansho. 5. Caano baqid.

gabal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld gobol.

cad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iwm ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
  2. 1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
  3. 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa.

dhimasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg dhimo.