wasiir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. Qof wasaarad u madax ah.
  2. Ubad; dhal; carruur; ilmo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ubad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhasha yaryar ee xoolaha iyo dadka.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal/-llal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.
  2. 1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

carruur

Qaabnax: Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective

Macnaha:

  1. Dhasha dadka; ilmo; ubad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ilmo

Qaabnax: Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective

Macnaha:

  1. Dhallaan; caruur; ubad.
  2. Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur