Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
(dii.) Shanta tiir oo diinta Islaamku ku taagantahay mid ka mid ah oo waajib kaga dhigaya qofka inta uu noolyahay in uu hal mar tago Maka mowsinka xajka. ld xad¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1
Isrogrogga: (-day, -dday)
Macnaha:
Hanti qof kale leeyahay si qarsoodi ah u qaadasho.
1. Xudduud; soohdin. 2. ld xaj.
(taar.) Xarriiqda kala qaybisa laba hanti ma guurto ah ama laba waddan.
1. Wax is-hortaagid. 2. Wax dhibid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur