xanaf

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Taag taag yaryar oo soofe iwm ay leeyihiin oo dhaawaca wixii lagu xoqo; dardar; xajiin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dardar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld dardarid.
  2. 1. Xoog, karti iwm oo aan weli la isticmaalin; carcar. 2. Jiiridda wax la jiiro. 3. D. ah: dhabbe aad loo maro.
  3. Wax jiirid; jibaaxid. ld barbar², berber², derder³.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xajiin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Geed yar oo leh caleemo xaadi ku rogantahay iyo dhacaan cuncun deran ku reeba wixii uu taabto.
  2. Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iwm); cadanyo; caaro. ld xajiimo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur