dhexgal
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- Dhexdhexaadinta laba dhinac oo wax isku haysta. ld dhexgelid.
- (fiis.) Dh. ileyska: firidhsanka ileys noqodka oo ay sababtay dusha xanafta leh ee uu ileysku abbaaray ama ku dhacay.
- (fiis.) Dh. milannada: habka walxaha kala duwani ay isugu qasmaan, ayna ugu wacantahay socodka saxarrada (sida atamyada, ayoonnada) ay ka koobanyihiin.
- 1. Laba dhinac oo is haya dhexdhexaadin. 2. Wax gudahiisa gelid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

