xariir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Caano biyo badan lagu daray; candiid; cindiid.
  2. Lafdhabar; arxan. ld xiriir².
  3. 1. Dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. 2. (-ryo, m.dh) Summad idaha dhegaha looga dhigo oo labo alif ah.
  4. ld xiriir³ (3).
  5. Barxid (caano). ld xariiri.

candiid

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld cindiid.

cindiid

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Caano biyo ka badan lagu daray. ld candiid.

lafdhabar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Xiriir lafo ah oo ka kooban riciro yaryar oo is-haysta oo isku xira tunka iyo dabagibinta. 2. Wax kasta qaybta ugu muhimsan. ld lafduud.
  2. (c.nafl.) Xiriirka lafaha dhabarka oo ka bilowda salka lafta madaxa kuna dhammaada dabaggibinta. Waxay ka koobantahay 33 lafood waxaana dhex mara xangullaha, waxay isgoys xubneed la wadaagaan lafta madaxa, feeraha iyo miskaha; waxayna u kala baxaan 7 surka, 12 sabalayda, 5 dhabarka hoose, 5 araxda iyo 4 dabaggibinta.

arxan

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. ld arax (1).
  2. 1. Waxtar weyn oo cid dhibaateysan loo geysto.2. Dad xigtanimo ka dhexeysa; ehel.
  3. U a.: cid dhibaateysan waxtar weyn u gelid.

xiriir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qaab wax is daba yaalla ay isugu xiran yihiin. 2. Cilaaqaad ka dhexeeya laba qof ama ka badan. 3. Urur lammaaneyaal horsan, ama isku xir ka dhexeeya kutirsaneyaasha urur ama ururro.
  2. ld xariir¹.
  3. 1. Wax si aan kala go'lahayn isu daba jooga noqosho. 2. La x.: arrin xogteeda cid kala hadlid. 3. ld xariir².

xariiri

Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2

Isrogrogga: (-iyay, -isay)

Macnaha:

  1. ld xariir³.