xaskul

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (bot.) Geed dacarta la tol ah; wuxuu leeyahay caleemo dhaardheer oo warmo ah oo qaarka danbe u wada buuran oo wada hilib ah, oo caarad qodax ah ku wada dhammaada; sida wax laysku falkiyay bay isu haystaan oo midiba mid uga kor baxdaa. Waa wada liil, xargo iyo waxyaalo kaleba laga sooho ama laga sameeyo; xaskulxig.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur