xig

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Xaskul.
  2. 1. In yar oo hoore ah. 2. Neef dhawaan la maalay caano yar oo candhadiisa ku soo dhaca.
  3. 1. Wax, wax kale u dhowaansho. 2. Xiriir qaraabanimo yeelasho.

Lamidka: Xaskul

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xaskul

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (bot.) Geed dacarta la tol ah; wuxuu leeyahay caleemo dhaardheer oo warmo ah oo qaarka danbe u wada buuran oo wada hilib ah, oo caarad qodax ah ku wada dhammaada; sida wax laysku falkiyay bay isu haystaan oo midiba mid uga kor baxdaa. Waa wada liil, xargo iyo waxyaalo kaleba laga sooho ama laga sameeyo; xaskulxig.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur