xiis

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xiisad. 2. Geed-abaareed aad u weynaada oo xabag udgoon (guubali) leh.
  2. 1. (f.g) Xargo dhowr ah isku soohid. 2. (f.mg) U x.: wax u hiloobid.

xiisad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Biya ama dabayl si xooggan u socda. 2. (-do, m.l) Qas iyo qalaanqal xasil-loonida degaan wax u dhima.