xil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xishood; sheex; sarriig. 2. Wax ama hawl la isu dhiibay ama la is faray ama la qabanayo, wixii ceebaal ah, ama naftii sharaf lihi ka xishooto, oo ka imaan kara haddii la hargado ama lagu gaboodfalo. 3. Ceebal; fadeexo.
  2. 1. Cid mas'uul saarid. 2. Cid ceebayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xishood

Qaabnax: Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine

Macnaha:

  1. eeg xishoo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

sheex

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Xishood.
  2. 1. (f.g) Wax dhex taraarid. 2. (f.mg) Xishood dareemid.

Lamidka: Xishood

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

sarriig

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhawrashada sharafta la dhawrto. 2. Dulqaadka dhibaato loo dul-qaato.
  2. ld sarriib.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fadeexo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Fal xun oo aan qarsoonayn; ceeb, facsharo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur