xis

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dareen; miyir.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dareen

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Garasho ku abuurta niyadda qofka isbeddal nafsadeed. 2. War dhiilo leh. 3. Tuhun; shaki.
  2. 1. Qof, isbeddel nafsaani ah oo ku abuurmay garasho. 2. Wax tuhmid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

miyir

Qaabnax: Magac Lab | Noun Masculine

Macnaha:

  1. 1. Kartida wax lagu kale sooco ama lagu garto, caqli; maan. 2. Digtoonaan iyo isjirid wax lagu qabto si aan wax dhibaato keena u dhicin, degganaan, xasilloonaan. 3. ld miir 1 (2).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur