xoon

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Laxle. 2. Koox.
  2. (c.nafl.) Sooloji ahaan, koox xaya-waanka ka mid ah oo iskusinji ah oo meel ku wada nool, noloshooduna iskuxidhantahay. Qaarkood sida shacaabiga iyo isboonjiga waxay iskaga dhegsanyihiin dusha, una shaqeeyaan sidii xayawaan keliya. Kuwu kalena, sida xoon cayayaanka dusha iskagama dhegsana, waxaanay leeyihiin urur-ro bulsho oo heer sare ah oo xubnahoodu shaqooyin kala duwan qabtaan.
  3. Wadajir, wax ama meel isugu soo ururid, isu soo tuurid; shamuumid; heemasho.

laxle

Qaabnax: Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective

Macnaha:

  1. (c.nafl.) Xasharaad yaryar oo leh baalal iyo midab madow xigeyn ah, dhexdana u dhuuban oo qaniinyo kulul leh; xoon.

koox

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-xo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Tiro isku duuban oo aan badnayn. 2. (muus.) Dad badan oo aaladaha la afuufo ama la garaaco ee muusikada yeeriya. 3. Dad badan oo ciyaartoy ah oo kubbadda nooc ka mid ah ciyaara.

shamuumid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg shammum.

heemasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg heemo.