duud

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhir badan oo waaweyn oo xoonsan; toon; kayn. 2. Qof odayga uu ku abtirsanayo aan wax badan ka tirsan. 3. Reer; qabiil.
  2. 1. Dhabar. 2. Meel dhulka ka sarreysa oo labada dhan dooxooyin ama togag ka xigan.
  3. Biyo yar oo weel biyood salkiisa ku jira. ld duuddo.
  4. Buuro xiriira, sanaag.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

toon

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Miro is qabsaday oo dhuuban. 2. Geela la tolo, saaladiisa isqabqabsata oo wax kuusan noqota.
  2. (nax.) Marka shay lagu dhawaaqayo codku wuxuu noqon karaa mid dheer ama mid gaaban ama mid dhexdhexaad ah.
  3. 1. Dhir urursan oo meel ku wada taal. 2. Geed yar oo buruqdisu ka mid ah kuwa cuntada lagu darsado oo lagu carfiyo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kayn

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ymo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Nasiibdarro, ayaandarro, cawaxumo. 2. (-ymo, m.l) Meel dhir badan; hawd; jiq; toon.
  2. (juqr.) Eray lagu magacaabo dhul aan beernayn oo ay ka baxaan hoosbaxayaal isku cufan; mararka gaarkood waxaa loo adeegsadaa, iyadoo waxa la isku qanciyaa yaryihiin , inay yihiin kaymaha mansuunta nooc ahaantooda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

reer

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ro, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Laba qof oo isqaba iyo ubadkood; qoys. 2. Dhawr qoys oo wadaaga dhalasho ama degaan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qabiil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh/qabaa'il, m.l)

Macnaha:

  1. Dad dhalasho wada sheegta. ld qabiilo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhabar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. Oogada nafleyda, inta ka bilaabata surka salkiisa ilaa meesha lafdhabartu ku dhammaato; dul.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

duuddo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld duud².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur