yuub

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. Wiilasha la gudo cadka laga gooynaayo; buuryo; beejo.
  2. 1. Wax soo tagid. 2. Wax istaajin. ld yuuc².

buuryo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Cadka ka lusha guska intiisa hore oo la gooyo marka la gudaayo wiilasha; yuub, qolof; balag. ld beejo.

beejo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld buuryo.

yuuc

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cac, m.l)

Macnaha:

  1. Yaaw laba loo dhigay middood.
  2. ld yuub².