Site icon Qaamuus

ereyga

arax
(m.dh) (-raxyo /-rxaan, m.l)

1. Xiriirta lafdhabarta qaybteeda sare oo ay feeraha is-haystaan. 2. Xubin hilib ah oo ka kooban dhowr ricirood iyo cadkooda. 3. Sac, saddex da'ood ama ka badan dhalay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh arax

adhaxle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.

ansaarax [m.l]
ld insaarax¹.

ansaarax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
ld banaaxi², insaarax².

araxdaaco [m.dh]
Deri.

araxnimo [m.dh]
Arax ahaansho (sac).

arxaan [m.l.w]
eeg arax.

arxan [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld arax (1).

baarax [m.l]
1. Meel bannaan oo nabad lagu deggan yahay. 2. Ka baxsan, banka ka jooga.

barax [m.l]
1. B. ah: caano biyo ka yar lagu daray. 2. Bardooddanka ay sameeyaan xooluhu.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version