Site icon Qaamuus

ereyga

Balaasma

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

(c.nafl.) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga balaasma

balaasmoodiyam | fibrinojiin | limf |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version