Site icon Qaamuus

ereyga

carrog
(m.l)

Biyaha ama caanaha haan ama dhiil la culay carka looga dhaqo.

carrog
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

Haan ama dhiil la culay biyo ama caano carka uga dhaqid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh carrog

carragguur [m.l]
Ka tegidda carrada nafaqada leh ka tagto dhul, daad, dabayl iwm awgeed. ld carroguur.

carrogan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Haan ama dhiil la culay biyo ama caano wax carka looga dhaqay ahaansho.

carrogid [m.f.dh]
eeg carrog².

carrognaan [m.f.dh]
eeg carrogan. ld carrognaansho.

carrognaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld carrognaan.

carroguur [m.l]
(jool.) Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. ld carragguur.

carshi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Sariirta boqorka. 2. Shay weyn, muqaddas ah Eebbe leeyahay oo samada sare ku sugan. 3. Geed abaareed gaaban oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan oo la cuno kana baxa carroguduudka.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version