Site icon Qaamuus

ereyga

jeegaan
(m.dh) (-nno, m.dh)

Midabyo dhawr ah oo si is kor saar ah u safan oo qaab qaanso leh oo ku samaysma daruurta marka uu roob da'ayo; qaansaroobaad.

jeegaan
(m.dh) (-nno, m.dh)

(fiis.) Filiq-sanaanta kaahinta birlabdanabeed sida, muuqaalka midabeed ee ka dhasha kala-xaydka dhudo ileys ee soo dhexmara birisam.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeegaan

kaahin-dulmadow [m.dh]
(fiis.) Kaahinta kuleed ee ay dulmadow bixiso heer kasta ee heerkul, lehna filiqsanaan tamareed oo leh muuqaalka jeegaanta.

qaansarroobaad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Midabyo dhowr ah oo si iskorsaar ah u samaysama daruurta marka uu roob da'ayo; caashacarrabdheer; keynroobaad; jeegaan.

caashacarrabdheer [m.dh]
Qaansarroobaad; jeegaan.

jeegaan-barasho [m.dh]
(fiis.) Daraasad ku saabsan habka loo baaro ilayska (spectrum).

jeegaanbeeg-cuf [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(fiis.) Qalab loo isticmaalo soo saaridda iyo saafidda ayoonno neef ah iyadoo la fiirinayo saamiga ay isuyihiin saldanabka ayoonnada iyo cufkoodu.

jeegaan-birlabdanabeed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Tooxda tamar birlabdanabeedka ee si taxan ugu habaysan kororka ama yaraanta hirbaaca ama rakaadka.

kalaxayad [m.l]
(fiis.) U kalabbaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.

kaynroobaad [m.dh]
Kolka roob da'ayo ee ifka qorraxda iyo dhibicda roobku isqabtaan, muuqaalka isku duuban ee midabbada badan leh oo qaabka qaansada u eg, cirkana ka dhex muuqda; qaanso-roobaad; jeegaan; caasha-carrabdheer.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version