amiino asiidh
(m.l) (-dhyo, m.dh)(baay.) Koox ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee biyaha ku milma ee wada leh koox kaarboogsayl (-COOH), iyo amino (-NH2), oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan ayaa amino asiidhyada ka samayn kara iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn, laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku filan oo quudkooda ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh amiino asiidh ↴
boolibabtaydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka yimaada amiino asiidho isugu xidhmay dariiqadda xarfinta. B.adu waxay isugu xidhmaan si ay u sameeyaan borotiino.
kodhon [m.l] (-no, m.dh)
(baay.) Beys naytaroojin saddexan ah oo ku jira molikiyuulka DNA ama ka RNA da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.
kollooydh-soocid [m.dh]
(baay.) Dariiqo molikuyuulada waaweyn (sida istaarajka ama borotiinka) iyo molikuyuulada yaryar (sida guluukows ama amiino asiidhada) oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badh-habe ah.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg