arag
(m.l)

1. Hawsha indhuhu jirka u qabtaan ee ugu tebiyaan walxaha ka hor imaanayaa waxa ay yihiin. 2. Muuqaal.

arag
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-rkay, -ragtay; -rki)

1. Indho muuqaal qabasho. 2. Fiirin. 3. U a.: arrin si gaar ah cid ula muuqasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh arag

eber sugan [m.l] (fiis.)
Heerkulka ugu hooseeya ee aragti ahaan suurtagala. Waa heerkulka tamar socodka molikiyuulada iyo atamadu uu ugu hooseyo, wuxuuna u dhigmaa - 273.15 C ama -459.67 F.

odayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Da'weyn gaarid; waayeeloobid. 2. Waayo aragnimo yeelasho. waayeeloobid

raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir xanuun, qandho, dhibaato neefsashada, dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo. Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri dhexdood.

naadir [m.l]
(juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.

caad [m.l] (daaw.)
Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya.

daabbad [m.dh] (-do, m.l)
1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag.

gaafmeer [m.l]
1. Socodka uu qof sameeyo isaga oo iska ilaalinayo in ay cidi aragto; kormeer; afmeer. 2. ld gaafmeerid. ld gaafammeer¹, gaafwareeg¹. kormeer, afmeer, gaafmeerid. gaafammeer, gaafwareeg

maangalnimo [m.dh]
(fals.) Aragti falsafadeed oo amminsan in maanku ama caqligu uu yahay shuruudda ugu muhimsan wax garasho kasta.

oktet [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-tyo, m.dh)
(kiim.) Heertamarta deggan ee atam ee ay ku jiraan siddeed elektaroon. Dhammaystirka oktetku waxa uu keenaa degganaansho gaar ah, waana salka aragtida liiwis ee oktetka.

ookiyaale [m.l] (-llo, m.dh)
Muraayad indhaha la gashado oo araggu ku saacido ama qorraxda laga gashado.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg