ayro
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Hal adkaysi badan oo cad iyo caano dheeraad ah leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ayro

cayroobid [m.f.dh]
eeg cayrow.

cayrow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof cayr ah noqosho.

dayro [m.dh]
1. D. ah.: ilmo waalidkiis ka quustay oo guriga laga eryey. 2. ld dayrin.

farammayro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
ld faraxalo.

gahayroobid [m.f.dh]
ld gahayrid.

gahayrow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Gahayr noqosho. ld gahayr.

haybotayrodism [m.l]
(daaw.) Shaqada qanjirdhiiga taayrodka oo yaraata. Haddii lagu dhasho oo an la daawayn waxay keeneysa karaetiniism. Haddii qof weyn ku dhacdo waxay keentaa hoos u dhac maskax iyo jirba, qabow dareen dheeraad ah, garaaca wadnaha oo yaraada, culeyska oo kordha iyo maqaarka oo dildillaca.

layro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Dhanka dabayshu ka imaanayso aadid (xoolo iwm).

mayro [m.dh]
Geed timirta, baarta iwm u eg oo caw jilicsan baxsha; maniiqo. ld mayr¹.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg