baran
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rmay, -rantay; -rmi)Wax weel ku jira, bar noqosho.
baran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)Wax weel ku jira, bar ahaansho.
baranki*
khiyaano la doonayo in lagu maaweeliyo oo inta badan qof lagu sameeyo. lamid Barank.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baran ↴
nabar-kul [m.l] (-ro-kulul, m.dh)
(daaw.) Awood darro iyo joog ka dhicid ay keeneen hoos udhac cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.
tababbaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Nafley wax la tababbaray ahaansho.
aqoondarnaan [m.dh]
1. Xaaladda qof aan cilmi barani ku suganyahay. 2. Xaaladda uu ku suganyahay qof aan wax qori karin waxna akhriyi karin; jaahilnimo; aqoon la'ahaansho. 3. eeg aqoondaran. ld aqoondarnaansho, aqoondarri, aqoondarro.
aqoonla'aan [m.dh]
Xaaladda qof aan cilmi barani ku suganyahay. ld aqoonli'i..
barambaro [m.dh]
Cayayaan midab bunni ah, geeso dhaadheer iyo lababaal oo khafiif ah oo qolof adag ku hoos jira leh oo ku nool musqulaha iyo meelaha qashinku yaallo. ld baranbaro.
barandi [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Cayaari ama khaafiyad weyn, doonta xaggeeda dambe ku taal oo xarigga shiraaca lagu duubo.
barannimo [m.dh]
Bare ahaansho.
baranugul [m.l]
ld baraqnugeyl.