bare
(m.l) (-rayaal, m.l/dh)Qof aqoon u leh habka dadka wax loo baro, kuna shaqeeya; macallin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bare ↴
yabaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Ka y.: cid mingis, rooxaan iwm ka muddeyn (ka tumid).
jaaxid [m.l] (-dyo/-diin, m.dh)
Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
ustaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Macallin; bare. ld astaad.
bareeg [m.l]
Fariin.
bareer [m.l]
1. Fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn; caddaan; kas. 2. ld bareerid. ld bareero.
bareer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. U b.: fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn ku kicid. 2. Ula b.: si toos ah oo aan gabbasho lahayn qof ama shay u wajahid.
bareerid [m.f.dh]
eeg bareer². ld bareer¹, bareero.
bareero [m.l]
ld bareer1 (2). bareerid.
barfasoor [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qof aqoon sare oo cilmiyeed leh. 2. Bare sare oo jaammacadeed. ld barafasoor.