bareer
(m.l)

1. Fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn; caddaan; kas. 2. ld bareerid. ld bareero.

bareer
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

1. U b.: fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn ku kicid. 2. Ula b.: si toos ah oo aan gabbasho lahayn qof ama shay u wajahid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bareer

jaaxid [m.l] (-dyo/-diin, m.dh)
Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.

bareerid [m.f.dh]
eeg bareer². ld bareer¹, bareero.

bareero [m.l]
ld bareer1 (2). bareerid.

biime [m.l]
B. ah: qof wax cabsi leh ama meel aan nabadgelyadeedu sugnayn u bareera. ld biimo.

biimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
1. Naf, hanti iwm biime ka dhigid. 2. Isku b.: meel cabsi leh ama nabaddeeda la hubin kas iyo ogaal ugu bareerid.

cisyaan [m.l]
1. Amar dowladeed iyo wax la mid ah si bareer ah loo diido; fallaagannimo. 2. Caasinnimo.

daandaanso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-sady, -satay)
Si bareer ah qof u maagid; faduulin.

gaboodfal [m.l]
1. Gardarro bareer ah oo cid lagu sameeyo. 2. ld gaboodfalid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg