bayhoof
(m.l)B. ah: qof busaaradi hayso oo baahidiisa meel uu la aado aan garanayn.
bayhoof
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)Qurbe dhibaato kala kulmid; qof busaarad, rafaad iyo dhibaato dhaqaale la kulmid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bayhoof ↴
daadduun [m.l]
Qof cayrnimo awgeed la bayhoofay. ld daanduun¹. daanduun
daadduun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-umay, -untay; -umi)
Cayrnimo darteed la bayhoofid. ld daanduun². daanduun
bayhoofid [m.f.dh]
eeg bayhoof.
bayhoofsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Cid bayhooftay ahaansho.
bayhoofsanaan [m.f.dh]
eeg bayhoofsan. ld bayhoofsanaansho.
bayhoofsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld bayhoofsanaan.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg