baylah
(m.dh)1. Meel cidla ah oo cabsi leh. 2. B. ah: hanti aan cid ilaalisa la joogin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baylah ↴
baylahayn [m.dh]
ld baylihin.
baylihi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hanti baylah ka dhigid. ld baylehee.
baylihin [m.f.dh]
eeg baylihi. ld baylahayn.
baylohow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday, -oobi)
Wax baylah ah noqosho (hanti).
beytimmaal [m.l]
1. B. ah: hanti baylah ah. 2. Keydka dhexe ee Dawladda Islaanka. ld baytammaal¹, baytimmaal¹, beytummaal¹.
beytimmaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hanti baylah ka dhigid. ld baytimmaali.
cidlee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Meel cidla'ka dhigid. 2. Wax baylah ka dhigid.
dago [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. U d.: wax, cid u dayacmid. 2. Ku d.: ku dagmid, ku khatalmid; sigasho; baylahoobid.
dayactir [m.l]
1. Dib u hagaajinta lagu sameeyo guri, qalab iwm oo wax ka xumaadeen. 2. Ka ilaalinta wax laga ilaaliyo darxumada iyo baylahda.