beegan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gmay, -gantay; -gmi)

1. Wax la beegay noqosho. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosan noqosho.

beegan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gnaa, -gnayd)

1. Wax la beegay ahaansho. 2. Wax la buuxshay ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax kale lagu aaddiyey ahaansho. 4. Ku b.: waqti, waqti ku aadan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh beegan

aaddan [f.g.mg4] (-naa, -nayd)
1. (f.g) Is aa.: laba nafley wax da'da ama xoogga iska le'eg ahaansho. 2. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale ku beegan ahaansho. Tus. “Guriga Cali wuxuu ku aaddanyahay Baar Ubax”. 3. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale muuqaalkooda isku gudbay ahaansho. 4. (f.mg) Ku soo aa.: wax la filayo in uu meel yimaaddo ama ku dhaco waqti go'an ahaansho.

kaaliyam [m.l]
(kiim.) Summad : K. Bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; bar-karid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed:39.09.

xagaa [m.l] (-aayo, m.dh)
(c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember).

baldaaq [m.l]
Xilliga beeraha laga goosto miraha oo ku beegan dhammaadka guga ama dayrta, oo xoolaha lagu daayo balka.

beegmid [m.f.dh]
eeg beegan¹.

beegnaan [m.f.dh]
eeg beegan². ld beegnaansho.

beergoys [m.l]
Xilliga dalagga beeraha la gooyo oo ku beegan bilowga xagaaga iyo diraacda (jiilaal).

buq [m.dh] (-qo, m.l)
1. Meesha ay biyaha ka soo burqadaan. 2. Ceel biyo badan leh. 3. Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg