beel
(m.dh) (-lo, m.l)

Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.

beel
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Koox dabeeci ahaan sabo ku wada uuman, oo isugu jira sinjiyo dhir iyo xayawaanba leh.

beel
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-eelay, -eeshay)

Hanti ama wax kale oo hore loo lahaa tirmid; waayid.

moobeel*

Waa bahal yar oo gacanta lagu watto ama guriga guriga yaallo oo dadka lagala xiriiro sida qaraabada iyo saaxibooyinkaaga.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh beel

caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.

gaajabbeel [m.l]
Reebidda gaajo ku haysay lagu reebo cunto yar. ld qaajabbeel¹. qaajabbeel

gaajabbeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
Nafley baahneyd gaajo iska reebid. ld qaajabbeel². qaajabbeel

gaajabbeelid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaajabbeel². ld qaajabbeelid. gaajabbeel, qaajabbeelid

maamuusjab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay; -jebi)
Ceeb dhacday awgeed, sharaf beelid (qof). ld naamuusjab².

oonbeel [m.l]
ld onbeelid.

oonbeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
Biyo aan laga dhergin cabbid; harraadbeel.

oonbeelid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oonbeel². ld oonbeel¹.

qaajabbeel [m.l]
Qof ku shaqeeya wax yar nolol maalmeedkiisa. ld gaajabbeel¹.

qaajabbeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
Xoogxaraash ahaansho. ld gaajabbeel².

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg