beri
(m.l)1. Waqti aan xaddidnayn ee la soo dhaafay; waa; jeer; seben. 2.(-iyo m.dh) Dharaar iyo habeenkeeda. 3. B.ga: maanta.
beri
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-iyay, -iday; -iyi)Maalin bilaabasho, waagii baa bariyay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh beri ↴
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
waabberi [m.l]
ld waabari, waabberi, waaberi. waabari, waabberi, waaberi
waabberiisasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
ld waabariisasho. waabariisasho
waabberiisii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
ld waabariisii. waabariisii
waabberiisiin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
ld waabariisiin. waabariisiin
waabberiiso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
ld waabariiso. waabariiso
waaberi [m.l]
ld waabbari. waabbari
maan [m.dh]
1. Maalinta la joogo. 2. M.ta: beriga. 3. M.ta layl: maalinta oo idil. 4. M.tii saddexaad: maalintii saddexaad. 5. M.tii hore: maalmihii la soo dhaafay. ld maantay.
uufannays [m.l]
1. U. ah: maroodi markaa dhashay ama beriyo jiray. 2. (m.l.u) U. ah: dad aan meel loogu hagaago lahayn. ld uufannaa.
waddac [m.l]
1. Lix beri oo sunno ah oo laga soomo bisha soonfur. 2. ld waddacid.