bidaar
(m.l)Nin ay timaha bidaar ka gashay. ld bidaarle, bidaarre.
bidaar
(m.dh)Iin madaxa ragga gasha oo timaha hoosha ama wax yar ku reebta.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bidaar ↴
baso [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Madaxa dadka meesha ugu korraysa, dhalo, dhako. 2. Bidaar.
basoole [m.l] (-layaal m.l/dh)
Nin madaxa bidaar ku leh.
bidaarhoraad [m.dh]
Bidaarta gasha madaxa intiisa hore.
bidaarle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
ld bidaar¹.
bidaarloobid [m.f.dh]
eeg bidaarlow. ld bidaarroobid.
bidaarlow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax bidaar ghashay noqosho. ld bidaarrow.
bidaarre [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
ld bidaar¹.
bidaarroobid [m.dh]
ld bidaarloobid.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg