birqabad
(m.l) (-dyo, m.dh)ld birqaab.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh birqabad ↴
birqaab [m.l] (-byo, m.dh)
1. Bir laba qalbac oo gadaal ama dhexda iska haysta ah oo dhuxusha birta kulul iwm lagu qabto. 2. Summad ka kooban laba alif oo isweydaarsan oo xoolaha lagu dhigto. ld birqabad.
birqabad-dhalis [m.l] (-dyo ..., m.dh)
(daaw.) Alaab birqabatada qaabkeeda leh oo loogu talaggalay in takhaatiirtu wax ku qabato oo ku soo jiiddo. Noocyo kala duwan ayaa jira, midda ugu muhiimsan waa tan lagu dhaliyo ilmaha ayadoo madaxa looga qabanayo laguna soo jiidayo, dhibaatana aan la gaarsiin.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg