bisil
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-slaa, -slayd)

1. Cuno, wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 2. Miro iwm wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad ah leh ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bisil

yaanyo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.

naajaxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax bisil ahaansho. 2. Wax dhinac kasta ka raalli ah ahaansho.

bislaan [m.f.dh]
eeg bisil. ld bisayl (4), bislaansho.

bislow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-laaday, -laatay)
Wax bisil noqosho.

caqliyayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Ilmo, wax garaadkiisu kordhay noqosho. 2. Qof fal xun oo uu sameyn jirey ka waantoobid. 3. Qof bisil oo waaya-arag ah noqosho. ld caqliso.

dhuubaan [m.dh]
Miro bisil oo engegan.

dhuundhuun [m.l]
1. Hilib aad loo daahiyay. 2. Miro aad u bisil. 3. ld dhuundhuumid.

dhuundhuun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-uumay, -uuntay; -uumi)
1. Wax bisayldhaaf ah noqosho (hilib). 2. Wax aad u bisil noqosho (miro).

fookhad [m.dh]
Ur udgoon oo ka soo baxa cunto geedeysan oo bisil ama la bisleynayo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg