Cuncun

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

Xajiin oogada nafleyda ku dhacda oo keenta xoqod badan.

Cuncun

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

(daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. Holaca muddada gaaban waa falgal difaac oo degdeg ah oo ay soohyadu kaga hartagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaad. Astamaha: xanuun, kul, cassaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cadcad waxay galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda buskood.

Cuncun

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-nay, ntay)

Xajiin xoqod u baahan dareemid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga cuncun

baabasiir | xajiin | baras | caanaggocato | caaro | caarood | cadho | cadho | cambaar | cambaarmadow |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg