dago
(m.dh)

1. Bilaha dayaxa ee muslinka tirsado tan ugu horreysa. 2. Sadaqo sharciga Islaamku ku waajibiyey hantida qofka muslim ah sannadkiiba mar. 3. D. ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.

dago
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-gtay, -gatay)

1. U d.: wax, cid u dayacmid. 2. Ku d.: ku dagmid, ku khatalmid; sigasho; baylahoobid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dago

baqabbeenle [m.l]
Baqe xeeldagaal ah oo cadow lagu dago. ld baqabbeenlayn.

cimilgal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; geli)
U c.: nafley si loo dago cimil ugu dhuumasho.

dagaggoo [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-gooyay, -goysay)
Ka d.: xoolo dago ka bixin.

dagaggooys [m.l]
1. D. ah: ari dago ku waajibtay. 2. D. ah: neef dago ahaan loo bixiyey. 3. ld dagaggoyn.

dagasho [m.f.dh]
eeg dago².

sako [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Saddaqo maalka iyo xoolaha ku waajibta oo sanad walba laga bixiyo. 2. Bilaha dayaxa oo muslinku tirsado, bisha ugu horreysa oo xoolaha saddaqo ku waajibta laga bixiyo dago. ld seko.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg